XOG CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo la ogaaday in uu bixiyay amarkii ilaalada looga kaxeystay Xildhibaanada Baarlamaanka + (Ogow Ujeedkiisa)!

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar hoose oo ay haleyso mareegta Halqarna.com, ayaa sheegaya, in madaxweyne Farmaajo uu bixiyay amarkii ilaalada gaarka ah u aheyd looga kaxeystay xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, ciidamadaasi waxay ka tirsanaayeen kuwa milateriga Soomaaliya.

Farmaajo oo kulan gaar ah Madaxtooyada Soomaaliya kula qaatay Taliyaha Milateriga Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage, ayaa amray in uu soo shaqo geliyo ciidanka milateriga ee ku jira shaqada leexsan ama ilaalada ka ah goobaha ganacsiga iyo kuwa shaqsiyaadka.

Ciidankan ayaa la sheegay in lageyn doono goobaha ay ciidamada gaarka u tababaran kala wareegaan maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab, maadaama aysan jirin ciidan booliis ah oo looga tago degmooyinkii la qabto.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Farmaajo amray in ciidanka difaaca Soomaaliya ee ku jira shaqada leexsan la geeyo goobaha laga saaro Al-Shabaab oo ay hadda ku sugan yihiin ciidan ka tirsan Guutada 60-aad ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Si kastaba, arintaan ayaa waxay sababtay walaac xoog leh oo dhanka ammaanka ah oo ay wajahayaan xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, oo qaarkood aan maalmo ka bixin guryaha iyo hoteellada ay degan yihiin.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannnews@gmail.com