Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Waqtiga ay dhaceyso Doorashada guddoonka guddiga Gobolada Waqooyi oo la shaaciyay

Muqdisho (Halqaran.com) – War qoraal ah oo ay soo saareen Guddiga hirgelinta doorashooyinka ayaa waxaa lagu shaaciyay Xilliga la dooranayo guddoonka guddiga doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

War qoraal ah oo ku socday guddoonka guddiga doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada Guddoonka ay dhici doonto 7 bishan oo ku beegan maalinta Sabtiga ah ee todobaadka soo socda.

“ Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu ku war galinayaa 11 xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland in doorashada Guddoonka Guddiga Soomaaaliland la qaban doono- Maalinka: Sabti, 7da Agoosto 2021 Goobta: Xerada Afisyooni. Si loo xaqiijiyo in doorashooyinka labada aqal ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyay, si looga fogaado dib u dhac ku yimaadda jadwalka doorashada. Waxaa mar labaad dhammaan xubnaha guddiga la farayaa in doorashada Guddoonka Guddiga Soomaaliland lagu dhameystiro waqtiga kor ku xusan ayaa lagu yiri” Qoraalka Gudiga.

Ugu dambeyn, horay Guddiga  doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ayaa waxaa, iyaga oo laba garab ah ay kala doorteen labada Guddoon kadib khilaf soo kala dhex-galay, hayeeshee doorashadaas uu baabi’yay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...