Monday, April 20, 2026
29.2 C
Mogadishu

Wakiilka Q.M ee Soomaaliya Swan iyo Waare oo wada-hadallo ku leh Jowhar

Jowhar (Halqaran.com) – Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa Arbacadii maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowladd Goboleedka HirShabeelle.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaalia ayaa markii uu gaaray caasimadda HirShabeelle waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe iyo masuuliin kale oo ka tirsan maamulka HirShabeelle.

Mr. James Swan ayaa kulan kula qaatay magaalada Jowhar Madaxda HirShabelle iyada oo laga wada hadlay Xoojinta iyo wada shaqeynta Howlgalka Qaramada Midoobay iyo Maamulka Hirshabelle, waxaana sido kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiilka Howlgalka Qaramada Midoobay ee HirShabelle Mr. Benjiamin.

Wafdiga wakiilka Qaramada Midoobay ayaa inta uu Jowhar ku sugan yahay wax uu kulan la yeelan doonaa madaxda kala duwan wasaaradaha dowlad goboleedka HirShabeelle.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...