Jowhar (Halqaran.com) – Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa Arbacadii maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowladd Goboleedka HirShabeelle.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaalia ayaa markii uu gaaray caasimadda HirShabeelle waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe iyo masuuliin kale oo ka tirsan maamulka HirShabeelle.
Mr. James Swan ayaa kulan kula qaatay magaalada Jowhar Madaxda HirShabelle iyada oo laga wada hadlay Xoojinta iyo wada shaqeynta Howlgalka Qaramada Midoobay iyo Maamulka Hirshabelle, waxaana sido kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiilka Howlgalka Qaramada Midoobay ee HirShabelle Mr. Benjiamin.
Wafdiga wakiilka Qaramada Midoobay ayaa inta uu Jowhar ku sugan yahay wax uu kulan la yeelan doonaa madaxda kala duwan wasaaradaha dowlad goboleedka HirShabeelle.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com