Monday, May 25, 2026
26.6 C
Mogadishu

UPDATE: Nabaddoon caan ah oo Caawa lagu Dilay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya, magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya, in caawa koonfurta magaaladaasi lagu dilay mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Mudug.

Nabaddoonka caawa la dilay ayaa lagu magacaabi jiray, Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan, waxaana dilkiisa geystay kooxo bastoolado ku hubeysan sida dadka deegaanka ay Halqaran.com u xaqiijiyeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in halka uu dilka ka dhacay ay gaareen ciidamada ammaanka, walow kooxihii dilka geystay ay goor sii horeysay ay goobta ka baxsadeen.

Bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo, ayaa walaac ka muujiyay dilka caawa Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan ee magaalada loogu geystay.

Nabaddoonkan ayaa waxa uu ahaa mid si weyn looga yaqaanay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dilka caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo aadaya, xilli dilal qorsheysan ay ka dhacayeen toddobaadyadii la soo dhaafay Koonfurta Gaalkacyo.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...