Tuesday, May 26, 2026
26.2 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho: ‘Xoogga baynu saareynaa dhismaha waddooyinka iyo horumarinta Bilicda Caasimadda’

Muqdisho (Halqaran.com) – Duqa Muqdisho, ahna guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdirixmaan Cumar Cusmaan Yarisow ayaa boggaadiyey Dowladda Hoose ee Muqdisho ee gacanta ku haysa dhismaha iyo dayactirka waddooyinka Caasimadda.

Mr. Yariisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saaray dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka u ah caasimadda, gaar ahaan dib u dhiska jidadka iyo xarumaha maamulka ee bixiya adeegyada dadweynaha.

Maamulka gobolka ayaa sanad iyo barkii u dambeeyay ku guuleystay dhismaha iyo dhameystirka sagaal waddo oo kala ah: Dabka illaa Bakaaraha, dhameystirka waddada 30-ka, waddada hotel SYL ilaa isgoyska Xamar-Jajab, waddada Dekedda ilaa Via Roma, waddooyinka Jazeera, Liido, Shingaani iyo janaraal Daauud.

Duqa magaalada Muqdisho, Yariisow ayaa xusay, in ay haatan gacanta ku hayaan dhismaha jid caddeyaal dhowr ah kuwaas oo laga hirgelinayo degmooyinka, Kaxda, Waaberi, Heliwaa, Dayniile, Wadajir, Dharkeenleey iyo Yaaqshiid.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...