Farmaajo oo Dallacsiiyay Saraakiil ka tirsan boolis-ka Soomaaliyeed

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada booliska Soomaaliyeed u gartay in la dallacsiiyo darajooyinkooda.

Munaasabad lagu maamuusay dallacsiinta saraakiishan oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin sarsare oo ka mid ah dowladda Soomaaliya ayaana xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto iyo taliye ku-xigeenka qeybta guud ee gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) ayaa sheegay in sanadkaan gudihiisa ay qorsheeyeen in ay dalacsiiyaan in ka badan 500 oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo darajooyinka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishan sababaha loo dalacsiiyay ay tahay inay qeyb weyn ka qaateen sugidda amniga magalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in dallacsiinta saraakiishan ay qeyb ka tahay dhiiri gelinta ammaanka caasimadda

“Ciidanka Booliska waa kuwa aan ku hurudno oo har iyo habeenba u taagan badbaadinta nafta iyo hantida shacabka, in la abaalmariyo oo la dallacsiiyo waxay tilmaan u tahay shaqada adag ee ay ka qabteen amniga caasimadda” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay wadday dadaallo ay dib ugu dhiseyso hannaankii ciidamada Soomaaliya, iyad oo dajisay qorshayaal isugu jira tababar, dib udhis xarumo iyo joogteynta xuquuqda ay mudanyihiin.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com