Monday, April 20, 2026
30 C
Mogadishu

Wafdi uu hoggaaminayo CC Warsame oo gaaray magaalada Garoowe

Garoowe (Halqaran.com) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray magaalada Garoowe Caasimadda ee Puntland, halkaas oo lagu soo dhaweeyey.

Waxaa la filaayaa in Cabdiraxmaan iyo wafdigiisa ayaa mari doona meelaha ugu badan ay joogaan dadka abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaano iyo degmooyin ka tirsan Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in booqashada Ergeyga ay timid, kadib markii uu dalab usoo diray guddoonka baarlamaanka Puntland oo ka codsaday inuu kormeero deegaanada ay abaaraha ka jiraan, si uu usoo qiimeeyo xaaladaha dadka ay saameysay abaaraha jira.

Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta baahsan ee ka jirta qaybo badan oo ka mid ah dalka.

Booqashada Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay safar ay Boosaaso ku tegtay Xidlhibaan Sacdiyo Yaasiin oo gargaar u waday Gobolka Bari, waxaana dhacdadaasi ka dhashay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo loo xil-saaray abaaraha iyo gurmadka socda ayaa horey u booqday deegaano ka tirsan maamullada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabelle, halkaas oo uu qiimeyn guud kusoo sameeyey xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira goobaha uu gaaray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...