Wednesday, January 21, 2026
24.6 C
Mogadishu

Kiiska Mo Farah oo ay baarayaan booliska dalka Ingiriiska (Maxaa cusub)

London (Halqaran.com) – Booliska London ayaa bilaabay baaritaan la xariira kiiska Mo Farah oo sheegay in isaga oo caruur ah si sharci-darro ah lagu soo geliyey UK.

Baaritaanka ayaa imanaya kaddib markii Mo, oo 39 jir ah, uu dokumenteri ku sheegay in haweeney uusan aqoonin ay keentay UK markii uu ahaa 8 sano jir, islamarkaana lagu qasbay inuu daryeelo caruurteeda.

Waxa uu sheegay inaan loo oggolaanin inuu iskuul aado illaa uu ka garaay 12 jir.

Mo Farah ayaa sheegay in magaciisa runta ah uu yahay Hussein Abdi Kahin.

Waxa uu sheegay ayada oo la adeegsanayo baasaboor been abuur ah oo lagu dhajiyey sawirkiisa iyo magaca Mohammed Farah, oo ah kan uu isaga oo isticmaalaya uu ku guuleysatay afar billad oo dahab oo ah cayaaraha olombikada.

“Waxaan ka war haynaa warbixinnada warbaahineed ee ku saabsan Mo Farah. Weli warbixino toos ah sooma gaarin MPS xilligan,” ayey booliska London ku yiraahdeen war-saxaafadeed ay soo saareen. “Saraakiil ku xeel-dheer arrintan ayaa furay baaritaan, waxayna hadda qiimeynayaan akhbaaraadka la heli karo.”ayuu warsaxaafadeedku intaa ku daray

Mo Farah ayaa horey u sheegay inuu Britain la yimid waalidkiis isaga oo kasoo qaxay Soomaaliya. Balse dukumenteriga BBC-da wuxuu ku caddeeyey in waalidkiis aysan weligood iman UK.

Aabihiis waxaa dishay xabad intii ay socdeen dagaallada sokeeye ee Soomaaliya markii Mo Farah uu ahaa 4 jir, sida lagu sheegay filim laga sameeyay. Hooyadiis iyo laba wiil oo la dhashay waxay ku nool yihiin Soomaalilaan, oo ah gobol sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya balse aan haysan aqoonsi caalami ah.

Mo Farah ayaa dokumenteriga ku sheegay in macallinkiisa cayaaraha Alan Watkinson uu ka caawiyey inuu dhalashada UK qaato, isaga oo adeegsanaya magaca Mohamed Farah.

Dowladda UK ayaa sheegtay inaysan wax tallaabo ah ka qaadi doonin Mo Farah oo la xiriira inuu jebiyey sharciyada socdaalka.

Mo Farah wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu matalay Britain.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...