Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan ayaa Talaadadii maanta ah gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Wafdi uu hoggaaminayay James Swan ayaa waxaa qeyb ka ah qaar kamid ah Wakiilladda beesha caalamka sida, EU Nicole Miller, AU Francico Madeira, & IGAD Jamal Ahmed.
Waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay wafdigan Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug.
James Swan iyo wafdigiisa ayaa markii dambe loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Galmudug, halkaasi oo ay kulan kula qaataan madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Kulankan ayaa la sheegay inay looga hadlay arrrimo xasaasi oo ay ka mid ahaayeen, doorashooyinka dalka, xoojinta amniga iyo iskaashiga dowladda federaalka iyo Galmudug.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





