Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Wafdi ka socda Dowladda Somaliya oo gaaray Xananbuure

Galgaduud (Halqaran.com) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdirahman Maxamed Xuseen Odowaa, oo ay qeyb ka yihiin, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusf Alcadaala, Odayaasha Dhaqanka iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray degaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiintan oo ku sugnaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud aya ujeedka safarkooda degaanka Xananbuure ayaa waxaa uu yahay sidii xal looga gaari lahaa dagaalkii dhex-maray laba maleeshiyo Beeleed.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa mas’uuliyiintaan waxaa ay kulamo kala duwan ka wadeen magaalada Cadaado maadama mid kamid ah labada beelood ee dagaalamay ay degan tahay.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdirahman Maxamed Xuseen Odowaa ayaa la hulmaya Odayaasha Dhaqanka & qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool degaanka Xananbuure si xaalada loo dejiyo loona kala qaado labada maleeshiyo Beeleed.

Muddo Afar Maalin oo xiriir ah ayaa laba maleeshiyo Beeleed waxaa ay ku dagaalamayeen degaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, waxaana dagaalkaas la sheegay inay ku geeriyoodeen in ka badan 10 ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...