Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Wafdi ay hoggaamineyso wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka oo maanta gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumada Soomaaliya Marwo Fowziya Maxamed Sheekh iyo Wafdi ay hoggaamineyso ayaa Khamiistii maanta tagay magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweyey wasiirada iyo xubnaha la socdey wasiiro, Xildhibaano, Odoyaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah bulshada Magaalada.

Fowziya Maxamed Sheekh ayaa mudadda ay joogto waxaa ay la kulmi doontaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxda Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Koonfur Galbeed,waxayna safarkeeda uu kusoo aadey xili Baydhabo ay ka socoto soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.

Waxaa magaalada Baydhabo ka socda soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi, maadaama kuwii hore waqtigooda uu dhammaaday.

Xubnaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ee ka soo jeeda deeganada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxa ay doonayaan inay galaangal ku yeeshaan soo xulista Xildhibaanadaasi, waana sababta ay u tagayaan Magaalada Baydhabo.

Waxaa maalmaha soo socda la filayaa wafdi kale oo Wasiirro ah inay gaaraan Magaalada Baydhabo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...