Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Ilhaan Cumar oo shaacisay inay la aqal gashay Tim Mynett oo ah la taliyaheeda arrimaha siyaasadda

Ilhaan Cumar iyo Seygeeda cusub ee Tim Mynett /Instagram Photos

Minnesota (Halqaran.com) – Warbaahinta Fox News ee dalka Mareykanka ayaa ku soo warrantay in xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, lagana soo doorta Minnesota ay shaacisay inay aqal gashay.

Ilhaan ayaa barteeda Instagramka soo dhigtay sawir iyada iyo saygeeda cusub ee Tim Mynett. Tim ayaa horay u ahaa la taliyaha Ilhan Cumar ee arrimaha siyaasadda.

“Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah.” ayay Ilhan ku qortay sawir ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Instagram-ka.

Xiriirka haasaawe ee Ilhan Cumar iyo Mynett ayaa soo shaac baxay sanadkii la soo dhaafay kadib markii xaaska ay wada joogeen Mynet, oo lagu magacaabo Beth Mynett oo 55 sano jir ah ay dalbatay furriin.

Mynet ayaa haatan Ilhan Cumar u qaabilsan dhanka ololaha doorashada.

Ilaah Cumar iyo Seygeeda hore iyo Carruurta ay isku dhaleen /Sawir hore/Keydka

Warbaahinta Fox News ayaa ku soo warrantay in xaaska Mynett ay dalbatay furiin ka dib markii ay tuhuntay in saygeeda uu xiriir jaceyl la la leeyahay Ilhaan Cumar.

Sidoo kale bishii Oktoobar ee sanadii hore, Ilhan Cumar ayaa dalbatay inay kala tagaan seygeedi hore, Axmed Xirsi. Saddex carruur ah ayay isu dhaleen. Xirsi ayaa dhowr bil kadib ku aqal galay Soomaaliya.

“Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan.

Waxay Ilhan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda canug ee ay isu dhaleen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...