Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Wadahadalladii biyo xireenka Webiga Niil oo fashilmay

Egypt (Halqaran.com) – Wadaxaajoodkii Biyo xireenka Al-Nahda ee u dhaxeysa dalalka, Masar, Suudaan iyo Itoobiya, kana socday Congo, ayaa ku dhammaaday fashil sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Intii lagu guda jiray wadahadallada Biyo xireenka Al-Nahda ee Wabiga Niil, ayay dawladaha Masar iyo Suudaan, si wada jir ah ugu eedeeyeen dhigooda Itoobiya in shirka ay la yimaadeen go’aan ay diideen in ay wax ka badalaan.

Markii uu bilowday muranka Biyo xireenkan, dawladda Masar, ayaa bishii Juun ee la soo dhaafay dacwad ka dhan ah Itoobiya u gudbisay golaha amniga, sida ku xusan Qodobka VI, kaas oo ka hadlaya dejinta khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya wadamadan.

Prof. Cabdul Caadi, oo ah khabiir bartay sharciga Caalamiga ah oo arrinkan ka hadlay ayaa yiri: “Wadamadan  waxay xaq u leeyihiin inay qoraal u gudbiyaan golaha amaanka, iyagoo sharraxaya wixii dhacay intii ay socdeen wadahadallada, iyaga oo ixtiraamaya rabitaankaood ku saleeysan in khilaafkooda uu  xaliyo midowga afrika”.

Dr. Zaki Al-Buxeyri oo ah Professor  ku takhasusay daraasaadka Afrika ayaa sheegay in Itoobiya ay ka dhiseyso gudaha Niil, 3 biyo xireen oo kale oo aan ka aheyn biyo xireenka Al nahda, kuwaas oo  keydin karaan ilaa 200 bilyan oo mitir cubic oo biyo ah, taas oo looga gol leeyahay in laga dhaliyo koronto si meesha looga saaro Saamiga Webiga Niil ay ku leeyihiin dalalka Masar iyo Suudaan

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...