Friday, August 7, 2026
26.7 C
Mogadishu

WAARE: ‘‘Lacagihii gargaarka ee DF Somaliya iyo Jabuuti ee fatahaada Beledweyne way na soo gaareen”

Beledweyne (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo shalay gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay soo gaareen lacago ka kala yimid Dowladaha Somaliya iyo Jabuuti.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Axadii Magaalada Beledweyne u tagay, sidii ay u soo qiimayn lahaayen fatahaadaha ka dhashay Webiga Shabelle.

Sida ay dadka deeganka iyo Masuuliyiinta Gobolka Hiiraanba sheegeen Webiga Shabelle ayaa maalmihii la soo dhaafay ku fatahay qaybo ka mida magaaladaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa qoraal uu xalay soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in lix boqol oo kun oo dollar ay ka soo gaartay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sidoo kale qoraalka ayuu ku sheegay in shan boqol oo kun oo dollar ay soo gaarsiisa Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka laba iyo afartan kun oo dollar ay iyana ka helayn Guddiga Gargaarka ee Heer Qaran.

Mr. Waare ayaa waxa uu qoraalka ku sheegay in lacagahaasi loogu talagalay ka hortagga fatahaadaha ku soo noq noqday Xarunta Gobolka Hiiraan. Lacagahan ayuu sheegay inay si toos ah u soo wada gaarsiisay Dowladda Somaliya.

“Waxaa 10/5/2020 naga soo gaaray Dowladda Federalka Somaliya: $600,000 oo Dowladda Jabuuti (Hiil Walaal) ka timid. $500,000 Dowladda Federalka Somaliya ah. $42,000 Guddiga Gargaarka ee Heer Qaran loogu talagalay fatahaadda.” Ayuu qoraalka ku sheegay Madaxweynuhu.

Waxaa magaalada Beledweyne ka soconaya daddaalo lagu doonayo in looga gaashaanto in fatahaadaha webiga uu saameeyo magaalada oo idil.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...