Saturday, August 1, 2026
26.4 C
Mogadishu

Haweeney Talyaani ah oo Afduub ahaan Somaliya loogu heystay oo dalkeedii lagu celiyay +(SAWIRRO)

Rome (Halqaran.com) – Haweeney Talyaaniga u dhalatay oo gargaarka ka shaqeynaysay oo bishii Novembar 2018 lagu afduubtay gudaha waddanka Kenya, ayaa waxaa dib loogu celiyay dalkeeda hooyo.

Silvia Romano, oo ah 25-jir, ayaa markii ay Rome ka degtay waxaa hab siiyay waalidkeed iyo walaasheed, waxaana salaamay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda.

Wararka ayaa sheegayan in haweeneydaasi laga soo daayay ururka Al-Shabaab, oo Sabtidii ku sugnaa meel u dhaw caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidammada sirdoonka Talyaaniga ayaa sheegay in xaqiijinta soo daynta gabadhaasi ay gacan ka gaysteen Soomaaliya iyo Turkiga.

Kaddib markii ay Axaddii ka dagtay garoonka diyaaradaha ee Ciampino ee magaalada Rome, ayaa Ms Romano waxa ay sheegtay inay “maskax iyo jir ahaanba” caafimaad dareemayso.

Waxaa la socday rag afka soo duubtay oo ka tirsan sirdoonka waddanka Talyaaniga.

Dhanka kale, Enzo oo dhalay Ms Romano ayaa sheegay inuu “farxad weyn dareemayo”.

Waxaa la garaacay gambaleelka kaniisadda, dadkuna waxa ay ka mashxaradaynayeen barsooyinka magaalada Milano ee ay ka soo jeedo Ms Romano iyagoo dadkaasi u dabaaldegayay soo laabashadeeda.

Ms Romano, oo u shaqeynaysay hay’adda samafalka Talyaaniga ee Milele Onlus, ayaa rag hubaysan waxa ay sanadkii 2018 ka afduubteen hoteel ku yaal tuulo yar oo ka tirsan deegaanka Kilifi, ee koonfur bari waddanka Kenya. Waxaa la rumaysnaa in markii dambe loo qaaday dhinacaas iyo Soomaaliya.

Ugu dambeyn, booliska Kenya ayaa markii gabadhaasi la afduubtay waxa uu soo bandhigay abaalmarin gaaraysa $10,000 oo la siin doono ciddii gacan ka gaysta soo helista Ms Romano.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...