VIDEO: Guddoomiye Mursal oo shaaciyay in kalsoonida lagala noqday RW Xasan Cali Kheyre

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa shaaciyay in codkii kalsoonida lagala noqday ra’iisul wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo Xukuumadiisa, kadib kulankii maanta Golaha Shacabka Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal oo kulankii Golaha kadib qabtay Shirjaraa’id oo gaar ah ayaa sheegay in Xukuumadda Xasan Cali Khayre ay ku fashilantay wayxaabihii loo igmaday, islamarkaana dalka ay gaarsiiyeen waayeen Doorasho qof iyo cod iyo maqaamka caasimada, afti u qaadida meel marinta dastuurka, hirgelinta axsaabta siyaasadeed.

Wuxuu sheegay, guddoomiyaha golaha shacabka in Xildhibaano gaaraya 170 Xildhibaan codka kalsoonida inay u qaadeen Ra’iisul Wasaare Khayre, islamarkaana 170-ka Xildhibaan ay u codeeyeen Xukuumadda inay dhacdo oo codka lagala laabto, iyadoo aysan jirin cid ka aamustay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, faray inuu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub oo dalka gaarsiin kara nidaam doorasho oo qof iyo cod, kana shaqeeya hawlaha dhiman ee maanta dalka uu u baahan yahay.

Lama oga sida ay sharci ku noqon doonto kalsooni kala noqoshadaan deg-dega ah ee RW Xasan Cali Kheyre, maadaama ajandaha kulankii maanta uu ahaa dood ku saabsan doorashada dalka ka dhaceysa 2020/2021.

Isku soo wada duub, Xaalad kacsan oo Siyaasadeed ayuu dalka cagaha la galay, kadib markii Baarlamaanka Soomaaliya ay sheegeen codka kalsonida Sabtida maanta ah ay kala noqdeen Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Halka ka daawo Muuqaalka Shirka jaraa’id ee Guddoomiye Mursal:


WARARKA KALE EE MAANTA OO XIISO LEH:

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay ra’iisul wasaare kumeel gaar ah oo howlaha sii wada

Madasha Xisbiyada Qaran oo ka hor-yimid xil ka qaadista RW Kheyre +(War-murtiyeed)

UPDATE: Xasan Cali Kheyre oo si deg-deg ah dib ugu soo noqday Muqdisho

Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay Kalsooni kala noqoshada RW Kheyre & Xukuumadiisa

Puntland, Jubbaland & Hirshabeelle oo shaaciyay xubnaha ku matali doona guddiga farsamo ee doorashooyinka


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com