Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

DEG DEG: Buuq xooggan oo ka dhacay kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka

Muqdisho (Halqaran.com) – Kulankii Xildhibaannada Golaha shacabka oo maanta arrimo xasaasi ah looga doodayay oo goor-dhow ka furmay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kooramka Baarlamaanka ayaa maanta wuxuu ku furmay 178 Xildhibaan, waana tiro badan oo Xildhibaano ah marka loo fiiriyo Xildhibaanadii soo xaadiri jiray kulamadii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka.

Markii kulanka uu furmay ayaa durba waxaa bilowday buuq uu bilaabay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, iyadoo ay jiraan Wasiirro kale oo xarunta ku dhex buuqaya.

Waxaa jirta hadal hayn ku aadan in xubno Xildhibaanno ah ah diyaariyeen Mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, inkastoo aanan la hubin arrintaasi, balse buuqa uu bilaabay Wasiir Islow ayaa muujinaayo shaki ah jiritaanka Mooshinkaasi.

Si kastaba, xildhibaanada Golaha shacabka ee BF Soomaaliya, ayaa maanta ka doodaya arrimaha Doorashooyinka dalka, lamana oga sida mowduucaasi si nabad ah xildhibaanada uga doodi doonaan.

Wixii warar ah ku soo kordha kala soco Halqaran.com

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...