Muqdisho (Halqaran.com) – Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yuusuf Bin Axmed Al-Cuthaymiin ayaa soo dhoweeyay hadalkii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku saabsanaa in dalka Suudaan laga saaraayo liiska dowladaha taageera argagixisada.
Al-Cuthaymiin ayaa tillaabadaan ku tilmaamay mid muhiim u ah mustaqbalka Suudaan.
Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa bogaadiyay deddaalada dowladda Suudaan ay ugu jirto sidii ay u soo celin leheed xiriirkii ay caalamaka la lahayd..
Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay in Ururka Iskaashiga Islaamka ay soo dhaweyneyso go’aankaan muddada dheer la sugaayay, isagoo xaqiijiyay inay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Suudaan.
Ugu dambeyn, Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sheegay, inuu rajeynaayo ka saaridda Suudaan liiska argagixisada ay gogol xaar u noqon doonto in Suudaan gaarto barwaqqo, kuna soo laabto kaalintii ay ku lahayd caalamka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





