Sunday, June 14, 2026
26.5 C
Mogadishu

Muxuu kala hadlay Madaxweyne Farmaajo xubnaha golaha wasiirrada cusub uu la kulmay?

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Golaha Wasiirrada cusub ee uu Xalay ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada iyo haweenka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay dardargalinta howlaha horyaalla Xukuumadda si dalka looga qabto doorasho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo maalmihii la soo dhaafay laga sugaysay.

Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble Magacaabay ayaa u badan Xubnihii Golihii Wasiiradii Xasan Cali Kheyre,

Golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda Rooble, ayaan ka soo muuqan, Wasiirrada Waxbarashada Mr. Cabdullaahi Goodax Barre, Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Xersi Warfaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...