Sunday, May 10, 2026
29.9 C
Mogadishu

UPDATE: Xaaladda gabdhihii yaryaraa ee lagu kufsaday degmada Afgooye & Wararkii ugu dambeeyay

Mid ka mid ah gabdhihii yaryaraa ee lagu kufsaday degmada Afgooye /Photo Screenshot SNTV /Halqaran.com

Muqdisho (Halqaran.com) – Dhakhaatiirta Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa weli la tacaalaya xaaladda caafimaadeed, ee gabdhihii wada dhashay, 1dii bishaana lagu kufsaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina, Dr. Maxamed Yuusuf oo gacanta ku haya xaaladda gabdhahan yar yar ayaa sheegay in inkastoo uu dhaawac culus ku yaalo, hadana ay xaaladoodu ka soo reynayso.

Gabdhahan da’doodu lagu kala sheegay saddex jir iyo afar sano jir ayaa kufsiga loo gaystay uu taabtay dareenka umadda Soomaaliyeed, iyadoo aadna loo cambaareeyay.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegtay in kufsigaasi oo kale aanu horey dalka uga dhicin, in mar qura la wada kufsado laba hablood oo aad u da’yar, misena wada dhashay.

Afhayeenka Golaha Dhaqanka Koonfur Galbeed, Malaaq Deerow Yacquub Cali ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid ugub ah, isla-markaana fajac leh.

In gabdho saddex jir iyo afar jir kufsi loo gaysto ayaa Malaaq Deerow waxaa uu sheegay inay tahay mid aan wax lagu macneeyaahi jirin.

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa maalintii Sabtida sheegay in kufsigaasi uu ka dhigan yahay weerar loo gaystay magaca Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa 2dii bishan sheegay in sideed iyo toban qof loo soo xiray kufsigaasi, iyadoo aanay jirin cid illaa iyo hadda maxkamad loo soo taagay.

Muna Cumar Xasan, Gudoomiyaha Ururka Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegtay in dadka reer Afgooye ay yihiin dad is garanaya, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in sharciga la horkeeno kuwii ka masuulka ahaa falkaasi argagaxa badan abuuray.

Ugu dambeyn, marka ay jiraan arrimo xasaasi ah ayaa dowladda haataan jirta looga bartay in ay guddi u magacawdo, balse dhacdada Afgooye waxaan jirin cid si gaar ahi loogu xil saaray, marka laga soo taggo laamaha amniga ee degmadaasi oo la sheegay in ay baaritaano wadaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...