Thursday, July 9, 2026
26.9 C
Mogadishu

UPDATE: Xaaf oo ka hadlay qaraxii caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Gelle Xaaf

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa ka tacsiyeey Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay Qarax caawa ka dhacday Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa ayaa lala eegtay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa qeybta 21aad oo ku sugnaa goobta ay musiibadu ka dhacday

Waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u diray Ciidamada Amniga iyo dadkii shacabka ahaa ee dhaawaca iyo dhimashadu kasoo gaartay Qaraxa caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

“Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo eebe ha inaga diiyo wiilasha iyo hooyinka ku naf waayay musiibada ay caawa geysteen kooxa arxan laawayaasha ah ee caado ka dhibtay in ay markasta dhibaateeyaan dadka maatada ah iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeen waxa aan ugu baaqayaa in reer Gaalkacyo fadhiga ka kacaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Cadowga lana shaqeeyaan ciidamada Amniga si looga hortago falalka guracan ee Cadowgu Geesanayaan” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray Hoteel uu daganaa Taliyaha Ciidanka dhulka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha ciidanka qeybta 21 aad Cabdicasiis Qooje.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...