Friday, April 17, 2026
28.5 C
Mogadishu

UPDATE: Faah-faahin cusub oo ku saabsan qaraxii caawa ee Gaalkacyo & Wararkii ugu dambeeyay

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahino cusub oo dheeraad ah ka kasoo baxaysa Qarax caawa ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta Galmudug.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray Hoteel uu daganaa Taliyaha Ciidanka dhulka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha ciidanka qeybta 21 aad Cabdicasiis Qooje.

Labada taliye ayaa ka badbaaday weerarka waxaana waxyeelo ay soo gaartay Askar iyo dad Shacab ah oo ku sugnaa goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa la sheegayay in ay ka ag dhawaayeen Haween qaad iibiya, lama oga illaa iyo hadda waxyeelada gaartay inta ay la egtahay.

Dhaawacyo kala duwan ayaa la geeyay Isbitaalada Gaalkacyo, walow la soo sheegay inay ku dhinteen tiro dad ah oo isugu jira askar iyo shacab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...