Wednesday, July 8, 2026
26.7 C
Mogadishu

UPDATE: Weriyihii gaarka ahaa ee madaxweynaha Puntland oo lagu xiray magaalada Garoowe

Garoowe (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya, in caawa halkaasi lagu xiray weriye Cumar Maxamed Soomane.

Ciidamada Booliska ee Maamulka Puntland ayaa gudaha Magaalada Garoowe ka dhex qabtay Wariye Cumar Maxamed Soomane.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in loo xiray qoraalo uu bulshada kula wadaagay barraha bulshada, sida ay soo sheegayan Wariye-yaasha Magaalada Garoowe.

Cumar Soomane ayaa waxaa dhawaan loo magacaabay Wariyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale, Wariyaha ayaa iminka la shaqaynayay Universaltv iyo Radio Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

Weli kama hadlin maamulka Puntland ujeedada ka dambeysa xariga weriye Cumar Maxamed Soomane.

Si kastaba ha’ahaatee, Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo, iyadoo loogu gaysto handadaad/cago jugleen, xarig iyo dilba.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...