Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaarayo Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in fiidkii caawa halkaasi lagu garaacay tiro hoobiyeyaal ah.
Hoobiyeyaashaan ayaa waxaa lagu sheegay inay gaarayaan illaa Saddex Hoobiye oo gudaha Xalane ku dhacay, sida ilo wareedyo ku sugan Garoonka Aadan Cadde ay sheegayaan.
Dhawaqa hoobiyeyaashan ayaa la maqlay waxyar kadib markii la afuray, lamana oga jiho ahaan meesha laga soo tuuray.
Muddooyinkaan dambe Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay culeyska saareen inay Madaafiic ku garaacaan Xerada xalane, maadaama fursad kale oo amni daro ay uga gaystaan Muqdisho gudaheeda ay waayeen.
Saraakiisha ammaanka dowladda Federalka wali kama aysan hadlin Madaafiicdaan lagu garaacay Xerada Xalane oo ah Taliska Ciidamada Midowga Afrika Amisom.
Lama oga ilaa iyo hadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Saddexdaan hoobiye ee ku dhacay gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






