Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

Dr. Fuje oo baaq u diray imaamyada Masaajida, ‘Waa in talooyinka caafimaadka la qaataa’

Muqdisho (Halqaran.com) – Lataliyaha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya, Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) ayaa bulshada u diray fariin wacyigelineed, gaar ahaan Imaamyadda Masaajidda Muqdisho oo uu sheegay in aysan qaadan talooyinkii Caafimaadka ee Wasaaradda.

Dr. Fuje ayaa sidoo kale sheegay in ay xaqiiqo tahay in gudaha Masaajida Muqdisho oo dad badan ay isugu yimaadaan uu ka faafayo Cudurka Coronavirus.

Dowladda hoose ee Muqdisho ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaato xakameynta Cudurka gaar ahaan in Masaajida laga hirgaliyo talooyinka Caafimaadka.

Lataliyaha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo in dadka ay isugu yimaadaan goobo ay ka mid yihiin masaajidda si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) ayaa waxa uu xusay in baahi weyn loo qabo sidii wax looga bedeli lahaa dhaqanka dadka oo ku saabsan cudurka Covid-19 si looga hortago cudurka oo kusii faafaya dadka.

Ugu dambeyn, Lataliyaha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegay in dadka ugu badan ee Cudurka Covid-19 hadda ugu dhintay Soomaaliya ay yihiin kuwa da’dooda ay ka weyn tahay 50-ka sano.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...