Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: Wasiiru dowlihii wasaaradda howlaha guud ee XF Somaliya ‘Qoor-Qoor’ oo is-casilay

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wasiiru dowlihii Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi.

Qoorqoor ayaa is-casilaadiisa kaga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, halkaasi uu galabta Tallaadada gaaray.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa wuxuu ka mid yahay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada Maamulka Galmudug.

Doorashada Galmudug ayaa waxaa ka haray maalmo kooban oo kaliya, waxaana socda loolan adag oo ay wadaan Musharaxiinta u hanqal taageysa hoggaanka Galmudug.

Wasiiru dowlihii Wasaaradda Hawlaha guud ee maanta iscasilay, ayaa waxaa lagu xantaa inuu yahay Musharax ay wadato dowladda Federalka Soomaaliya si uu ugu soo baxo doorashada Maamulka Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...