Dowladda Turkiga oo xayiraaddii ka qaaday Website-ka Wikipedia labo sano kaddib.

Istanbul (Halqaran.com) – Dowladda Turkiga ayaa xayiraadda ka qaaday website-ka Wikipedia, kaddib markii ay xukuntay Maxkamad Dastuuri ah.

Wikipedia aya dalkaas laga xannibay bishii April 2017 kaddib markii ay dowladdu ku eedeeysay in uu xiriir la leeyahay argagixisada.

Go’aanka ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu ogolaaday in laga qaado xayiraadda sida uu daabacay Joornaalka Gazette, kaddib labo sano oo lagu xad gudbay xorriyadda hadalka.

Si loo galo websiteka ayaa loo gudbiyay Hay’adda maamusha isgaarsiinta dalka Turkiga in ay ka qaaddo xayiraadda Wikipedia.

Hay’adda marti gelisa Wkipedia ee la yiraahdo Wikimedia Foundation ayaa maxkamadda sare ee Turkiga ka codsatay in laga qaado xannibaadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com