Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Jubbaland oo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ku dishay howlgal qorsheysan

Kismaayo (Halqaran.com) – Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo inay ku dileen xubno ka tirsanaay Ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim ayaa sheegay hawlgalkaasi oo ciidamada Jubbaland ay fuliyeen in laga gaaray guulo muhiim ah.

Xilli uu Warbaahinta kula hadlaayay Magaalada Kismaayo ayuu sheegay in hawlgalka laga sameeyey deegaannada Cabdala Biroole, Yaaq Bishaaro iyo deegaano kale oo hoostagga degmada Jamaame.

Waxa uu sheegay in howlgaladaas guulo kale oo waaweyn laga gaarey, sidoo kalena ay Ciidamada dileen Afar Xubnood oio ka tirsan Al-Shabaab kana qabsadeen saanad Millateri sida uu hadalka u dhigey.

Ilaa iyo hadda jirto ilo wareedyo ka madax banaan Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland oo xaqiijinaya in la dilay afar xubnood oo ka tirsanaay Al-Shabaab.

Gobolada Jubbooyinka muddooyinkii dambe waxaa ka socday dhaq dhaqaaq Ciidan oo ay wadeen maamulka Jubbaland iyo Ciidamada Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...