Sunday, January 18, 2026
24.8 C
Mogadishu

Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo maanta ku heshiiyay iskaashi labada dhinac

Baydhabo  (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo Tallaadadii maanta shir uga furmay magaalada Baydhabo ayaa kaga wad hadlay arrimo badan oo ku saabsan iskaashi dhex mara labada dhinac.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga ee dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirada labada dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, Safiirka Midowga Yurub e Soomaaliya, Safiirka Sweden ee Soomaaliya iyo xubno kale oo shirka lagu casuumay.

Wuxuu shirkan socon doona muddo labo cisho ah, waxaana lagu soo bandhigi doonaa kaabayaasha dhaqaale ee ay leeyihiin labadaas maamul, gaar ahaan dhanka wax soo saarka beeraha.

Wasiirka Qorsheynta iyo maalgashiga ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Maxamed Nuur Madoobe Nunow ayaa sheegay in labada Maamul ay ku heshiiyeen sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab, dib u dhiska waddooyinka labada maamul iyo iskaashiga kaabayaasha dhaqaalaha.

“Ajandaha shirka waxa uu ahaa oo aan kala hadleynay Midowga Yurub  xoojinta amnigaguud ee labada dowlad goboleed, xasilinta Nabadgelyada, iskaashiga dhaqaale oo ay yeeshaan labada dowlad goboleed, gaar ahaan horumarinta xannaananada xoolaha, horumarinta beeraha, horumarinta kalluunesiga, dhismaha waddooyinka isku xira labada maamul iyo  ka hortagga fatahaadda ka dhalata webiga Shabeelle” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...