Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

VIDEO: Wasiirka Caafimaadka oo Ka War Bixisay Xaaladaha Covid-19 ee Dalka Laga Diiwaan Geliyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 35 xaaladood oo COVID-19 ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in hal ruux uu u geeriyooday, 3 qofood oo kalana ay ka bogsoodeen, iyo in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 24 Somaliland 8 iyo Puntiland 3.

Bukaannda cusub 25 kamid waa rag 10-ka kalana waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,089 xaaladood, 52 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 121 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ayna ku dhaqmaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...