Saturday, June 20, 2026
25.5 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dameeyay Shirarka gaar gaar ah ee ka socda Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa weli magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka gobolka Mudug ka socda shirar gaar gaar ah oo u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir, iyada oo ay ka maqan yihiin Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa kasoo horjeestay howlaha ka socda Magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo sheegay in haddii heshiis la gaaro aysan dalku laheyn xukuumad fulisa, isla markaana aysan Dhuusamareeb tageen ilaa laga magacaabo Ra’iisul Wasaare.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa habeeno ka hor shir jaraa’id uu qabtay, waxaa uu sheegay in Wajiga Saddexaad ee Shirka Dhuusamareeb uu furay, isaga oo ugu baaqay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland in ay kasoo qeyb galaan.

Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadaha soo socda Magaalada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu tagayo Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal si Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ugu qanciyo in uu yimaado Magaalada Dhuusamareeb.

Dad badan oo Siyaasiyiin ah ayaa waxay ay qabaan in Shirka Dhuusamareeb aysan ka soo bixi doonin natiijo beddeli karta xaaladda siyaasadeed ee dalka xilli lagu guda jiro waqtiga kala guur ah, dalkana uu isku diyaarinayo doorasho cusub.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...