Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay toogasho ka dhacday gobol ku yaalla dalka Mareykanka & Afduub loo geystay..

Texas (Halqaran.com) – Booliska Mareykanka ayaa sheegay in tacshiirad lagu furay dad badan oo joogay magaalooyin ku yaal gobolka Texas ee Maraykanka ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof kuwo kale oo badani na ku dhaawacmeen.

Nin dabley ah oo baabuur watay ayaa isagoon u kala aabo-yeelayn rasaas ku furay dad joogay dhanka galbeed ee magaalooyinka Odessa iyo Midland gelintii dambe .

Bas yar oo ay leedahay Boostada Maraykanku ayaa sidoo kale uu afduub ku kaxaystay.

Boolisku waxay sheegeen in ninka falkaa geystay ahaa nin cadaan ah oo isna toogasho lagu dilay, laakiin waxa jira warar kale oo sheegay in ay dabley kale baxsadeen oo lagu raad joogo.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa xaqiijiyey in shan qof lagu dilay dhacdadaa 21 kalena lagu dhaawacay. Waxaana dadka wax yeelloobay ku jira buu yidhi askar boolis ah.

Boolisku waxay intaa ku dareen in illaa haatan aan la ogaan sababta ay dableydaasi dadka u toogteen.

Toogashadani waxay dhacday afar todobaad uun ka dib markii nin dabley ahi magaalada kale ee El Paso oo ku taal isla gobolka Texas uu toogasho ku dilay 22 qof 24 kalena ku dhaawacay.

Xafiiska Halqaran.com, Minnesota
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...