Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Shirka ka socda Madaxtoyada Somaliya & Qodobbo laga doodayo

Muqdsiho (Halqaran.com) – Iyadoo Maalintii labaad uu ka socda Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Shir u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa Isniinta maanta ah ka duwan sidii shalay.

Kulanka Maanta ayaa waxaa Madaxda shireysa dhex maraya doodo xasaasi ah, iyada oo aad loo falan qeeynayo qodobbadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb3 oo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay diideen.

Wararka ay helayso Warbaahinta Halqaran.com ayaa sheegaya, in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay dalbadeen in qodobada qaar ee shirkii Dhuusamareeb3 wax ka bedel lagu sameeyo, sida arrimaha la xiriira, doorashayooyinka oo awood siinaya Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa waxa ay doonayaan in la sameeyo Guddi kale oo heer dowlad goboleed iyo heer Federaal ah.

Sidoo kale, qodobbada ay Madaxda Puntland iyo Jubbaland soo jeediyaan in wax laga bedelo ayaa waxaa kamid ah, tirada ergooyinka wax dooraneysa oo horay heshiiskii Dhuusamareeb3 u ahaa 306 Ergo halka ay dalbadeen in laga dhigo 101 ama 150 Ergo.

Waxaa kale ka mid ah qodobbada, deegaannada ay ka dhacayaan doorashooyinka Baarlamaanka.

Si kastaba, Qodobbadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb3 ayaa waxa ay dhigayaan in Dowlad Goboleed walba ilaa Afar deegaan ay ka dhacaan doorashooyinka.

Madaxda ku shireysa Villa Soomaaliya ayaa la filayaa in weli ay sii wadan doodda la xiriirta arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ilaa ay kasoo saaraan shirkooda go’aan rasmi ah oo ay ku wada heshiiyeen dhinacyada wadahadlaya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...