Sunday, May 10, 2026
28.1 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay ismiidaamintii ka dhacday deegaanka Bacaadweyne

Bacaadweyn (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, kaasi oo lala bartilmaamsaday xerada ciidanka qeybta 21-aad ee xoogga dalka Somaliya.

Nin la socday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa beegsaday afaafka hore ee Xerada Ciidanka Xoogga Dalka, oo ku taala bannaanka hore ee Bacaadweyn.

Inta aanu gaariga ku qarxin goobtaasi ayaa waxaa jirtay rasaas culus, oo ay ku harqiyeen Ciidanka Xoogga Dalka, ka dib markii ay ka shakiyeen, waana taa midda keentay in albaabka hore ee xerada uu ku hakado gaariga.

Laba askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhimatay qaraxaasi, halka laba kalana ay ku dhaawacantay. Xerada la beegsaday waxay 5km ka baxsan tahay Xarunta Bacaadweyn.

Guddoomiyaha deegaanka Bacaadweyn, Axmed Daahir Macalin Cabdullaahi ayaa xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof, marka lagu daro buu yiri naftii halligaha.

Mar uu la hadlayay guddoomiyaha laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxa uu sheegay, in ciidanka Xoogga Dalka in ay ku guuleysteen inay fashiliyaan weerarkaasi.

Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, General Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje, ayaa isna Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay, sida ay kaga hortaggeen weerarkaasi.

Al-Shabaab ayaa goor dambe sheegtay masuuliyadda weerarkan subixii Axadda maanta ah ka dhacay deegaankan dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...