Jowhar (Halqaran.com) – Kaddib markii saacadihii la soo dhaafay uu Roobka Guga ka da’ayay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan soo baxaya cabsida laga qabo in markale Wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyo deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, Saraakiil Ciidan iyo Xubno kale ayaa waxaa Xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar ay ka bilaabeen howlo jawaano loo dhigayo Wabiga jiinkiisa gaar ahaan goob laga cabsi qabo in uu ka fataho Wabiga.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) ayaa sheegay in laga soo bilaabo deegaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan ilaa degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku jiraan 59 Goobood oo laga cabsi qabo in uu fatahaad ka sameeyo Wabiga Shabeelle.
Xildhibaan Daqare ayaa sheegay in aysan jirin hay’ado u diyaarsan inay wax ka qabtaan ka hortegida fatahaadaha Wabiga, hayeeshee ka Maamul ahaan, iyaga oo kaashanaya maamulada degmooyinka Hirshabeelle ay ka hortegi doonaan.
Uga dambeyn, wabiga Shabeelle ee mara Saddexda Gobol ee Shabeelloyinka iyo Hiiraan ayaa fatahaadii ugu weyneyd wuxuu sanadkii tegay ee 2019 ka geystay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana fatahaadaasi ku dhintay dad badan, iyadoo kuwo kalena ay ka barakaceen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com