Thursday, June 18, 2026
26.2 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay cabsi laga qabo in uu fatahaad sameeyo Wabiga Shabeelle

Jowhar (Halqaran.com) – Kaddib markii saacadihii la soo dhaafay uu Roobka Guga ka da’ayay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan soo baxaya cabsida laga qabo in markale Wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyo deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hirshabeelle iyo  ku-xigeenkiisa, Saraakiil Ciidan iyo Xubno kale ayaa waxaa Xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar ay ka bilaabeen howlo jawaano loo dhigayo Wabiga jiinkiisa gaar ahaan goob laga cabsi qabo in uu ka fataho Wabiga.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) ayaa sheegay in laga soo bilaabo deegaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan ilaa degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku jiraan 59 Goobood oo laga cabsi qabo in uu fatahaad ka sameeyo Wabiga Shabeelle.

Xildhibaan Daqare ayaa sheegay in aysan jirin hay’ado u diyaarsan inay wax ka qabtaan ka hortegida fatahaadaha Wabiga, hayeeshee ka Maamul ahaan, iyaga oo kaashanaya maamulada degmooyinka Hirshabeelle ay ka hortegi doonaan.

Uga dambeyn, wabiga Shabeelle ee mara Saddexda Gobol ee Shabeelloyinka iyo Hiiraan ayaa fatahaadii ugu weyneyd wuxuu sanadkii tegay ee 2019 ka geystay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana fatahaadaasi ku dhintay dad badan, iyadoo kuwo kalena ay ka barakaceen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...