Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Sacuudiga oo xayiraadii ka qaaday xoolaha Soomaalida ee loo dhoofin jiray dalkaasi.

Riyad (Halqaran.com) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in xayiraadii ay ka qaaday xoolaha kala duwan ee Soomaalida ee loo iib geeyo waddankaasi.

Wasaaradda deegaanka ee Sacuudiga ayaa hadalkaan shaacisay, kadib markii boggeeda Twiterka ay soo dhigtay qoraal kooban oo arrintaan looga hadlay.

Warkan oo lasoo dhigay barta Twitterka Wasaaradda Deegaanka ee dalka Sucuudiga ayaa waxa uu u qornaa sidan: “Waxaa xayiraadda laga qaaday xoolihii Soomaaliya laga soo iibsan jiray.”

Tani ayaa waxa ay fursad muhiim u tahay ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi Sacuudiga xoolaha nool u iib geyn jiray, kuwaasi oo hadda bilaabaya inay ka faa’iideystaan fursadaan.

Soomaaliya ayaa waxaa laga dhoofiyaa xoolo nadiif ah oo caafimaadkooda la hubiyay, waxaana arrintaasi dhaqaale fiican uu ka soo galaa Ganacsatada Soomaaliyed.

DF Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay faah-faahin ka bixiso tallaabadaan ay dowladda Sacuudiga xayiraada uga qaadey Xoolaha loo dhoofin jiray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...