
Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in la diyaariyay koox loo tababaray sida loo aaso dadka u geeriyooda Cudurka Coronavirus (Covid-19).
Duqa Muqdisho, ayaa hadalkaasi ka sheegay shir jaraa’id oo guddiga heer qaran ee ka hortagga Cudurka Covid-19, kaasoo lagu qabtay Muqdisho.
Wuxuu kaloo xusay, in kooxdaasi ay isugu jiraan dhakhaatiir iyo culimo, kuwaas oo qaabilsan duugta bukaanadda.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish, ayaa waxa uu tilmaanay, in aaska ay ka qeybgeli doonan dad aad u kooban, walow uusan cayimin tiro gaar ah.
Si kastaba ha’ahaatee, waxaa ilaa iyo hadda cudurka Coronavirus u geeriyootay gudaha dalka Soomaaliya toddobo ruux, sida ay wasaaradda Caafimaadka DF Somaliya ku xaqiijisay warbixinteeda maalinlaha ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





