Thursday, June 18, 2026
27.2 C
Mogadishu

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah Beledweyne

Beledweyne (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in fatahaado hor leh uu ka sameeyay Wabiga Shabeelle qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in fatahaadaasi uu saameyn weyn uu ku yeeshay dalagyada beeraha magaalada Beledweyne.

Dadka ku nool Beledweyne ayaa ku soo warramaya, in dalagyo dhowr ah oo ku yaalla Beeraha Beledweyne uu baabi’iyey, sidoo kale uu Wabiga ku fatahay Xaafado ka tirsan magaalada.

Nadar Tabaax Maalin, duqa magaalada Beledweyne ayaa bilaabay daddaallo lagu xakameynayo fatahaadaha Wabiga Shabeelle oo meello kooban ay biyaha ka soo burqadeen markii hore.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...