Beledweyne (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in Wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada uu ku fatahay xaafadaha magaalada, taasi oo markale dadka ku qasabtay inay guryahooda ka baxaan.
Xaafadaha hawlwadaag, iyo Buundawayn ayey biyaha wabiga oo ka imaanaya karkaarada gudaha magaalada ay soo gaareen xalay iyo saaka.
Sidoo kale, dadka dagan xaafadaha Kooshin iyo dhagax jabis ay wal-wal ka qabaan inay biyuhu soo gaaraan, sida dadka deegaanka ay warbaahinta u sheegeen.
Weli kama aysan hadlin maamulka degmada iyo guddiga ka hortaga fatahaadda xaaladda cusub ee ku soo korodhay magaalada Beledweyne, iyadoo dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay howlo carro tuur ah ka wadeen tuulooyinka waqooyiga Beledweyne ee Heli-kaliyo iyo Qooqaane.
Magaalada Beledweyne ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay ku soo noq-noqonayay fatahaadaha wabiga shabeelle, waxayna taasi hoos u dhigtay dhaqaalaha bulshada iyo wax soo saarta beeraha gobolka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





