Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo sheegtay in sanadkan ay sameysay dagaalkii ugu adkaa ee musuq-maasuq

Muqdisho (Halqaran.com) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda ay Sanadkaan xoojisay la dagaallanka musuq-maasuq, taas oo kor u qaadday sumcadda dalka.

Dr Suleymaan oo ka hadlayay kulan uu la qaatay bahda caddaaladda ayaa sheegay in hay’addaha caddaaladda iyo garsoorku ay yihiin kuwa la rabo inay ku dadaalaan sinnaanta, si loo dabar gooyo musuq-maasuqa aafeeyay Soomaaliya.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa tilmaamay inaysan sax ahayn in Soomaaliya Sannad kasta ay kaalinta koobaad uga jirto waddamada ugu musuqa badan Adduunka:

Sidoo kale, wuxuu sheegay xeer-ilaaliyaha in Sanadkan ay sameeyeen bahda Caddaaladda la dagaalankii ugu xoogga badnaa ee dhinaca Musuq maasuqa ah.

Waxay aheyd markii dhawaan ay Maxkamadda Gobolka Banaadir xukunno kala duwan ku ridday qaar ka mid ah shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo ku takrifal awoodeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...