Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

UPDATE + VIDEO: Tirada dadka uu soo ritay Coronavirus gudaha Somaliya oo korortay iyo 873 qof oo la diiwangeliyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyraska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 38 xaalado cusub oo COVID-19 ah. 12 qofood ayaa ka bogsootay cudurka hal ruux ayaana u geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (35) iyo Somaliland, (3). 30 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag 8-nna waa haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 873 waxaa bogsootay 87 Ruux. 39 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

Dowladda oo dadaal xoogan ugu jirta xakameynta faafitaanka Feyraska Karoona ayaa ku howlan sare u qaadidda awoodda dowlad gobaleedyada ee la tacaalidda cudurka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...