Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamo ka tirsan hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Arbacadii maanta ka gadooday mushaar la’aan, kaddib markii muddo saacad ah ay xirteen waddada Taalada Daljirka dahsoon ee degmada Boondheere illaa Isgoyska Jubba.
Wararka ayaa sheegaya, in ciidamadan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 90 Askari ay ka cabanayaan mushaar la’aan muddo saddex bilood ah.
Ciidankan ka tirsan Nabad Sugida ayaa saldhig ku lahaa garoonka diyaaradaha ee Dayniile, halkaasi oo Hay’adda NISA ay geysay, waxaana ay isaga soo baxeen Arbacadii maanta gelinkii hore.
Ciidamadan ayaa hakad geliyay dhammaan dhaq-dhaqaaqii gaadiidka, waxayna wadadaasi u dhaweyn Xarunta Taliska Nabad Sugida Gobolka Banaadir iyo kan Xarunta Dhexe NISA ee Habar Khadiijo.
Mid ka mid ah askartaan oo la hadlay Dalsantv ayaa sheegay, in 1-dii bishii June ee sanadkan la geeyay Garoonka Diyaaraadaha ee Degmada Dayniile, kadib markii ay tababar soo dhammeysteen, hub iyo dareysna loo qaybiyay, isagoona xusay in ilaa mudadaasi aanay helin wax mushaar ah.
Sidoo kale, Askartan ayaa sheegay, in aanay wax xuquuq ah loo haynin, laguna wargeliyay inay halkaasi isaga kala yaacaan.
Halka hoose ka Daawo Muuqaalka Askarta gadooday maanta:
https://www.facebook.com/dalsantv/videos/945730899271645/
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





