Saturday, May 2, 2026
28.5 C
Mogadishu

Sii-hayaha RW dalka ‘Mahdi’ oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Sweden ee Somaliya +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mr Staffan Tillander.

Labadan Mas’uul ayaa kulankooda kaga hadlay xoojinta xiriirka joogtada ah ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Sweden.

Mr. Mahdi Maxamed Guuleed iyo Amb. Staffan Tillander ayaa sida wadajir ah waxa ay u sheegeen, inay ka go’an tahay inay xoojinayaan calaaqaadka ka dhaxeeya labada dowladood.

Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya  ayaa kaga mahadceliyay dowladda Sweden taageerada iyo garab istaaga ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...