Thursday, April 30, 2026
28.4 C
Mogadishu

UPDATE: Tirada dadka u dhimanaya Coronavirus oo korortay iyo 480 qof oo la il daran +(VIDEO)

Wasiirka Caafimaadka, Marwo Fowziya Abiikar Nuur

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda caafimaadka dalka ayaa xaqiijisay in 3 qof oo hor leh ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka ugu geeriyoodeen xanuunka COVID-19, laga diiwaan geliyay 44 xaalad oo cusub. Afar ruux ayaa ka bogsooday xanuunka.

Afartan kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4ta kalana waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Puntiland. 35 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 9 xaaladood.

Wasaaradda Caafimaadka waxay xaqiijisay in hal ruux oo kamid ah 9 bukaan oo xalay ku geeriyooday Isbitaal Martiini uu qabay xanuunka COVID-19, qof kamid ahna la xaqiijiyay inuusan qabin xanuunka, 7da kalana laga baaray cudurka hase yeeshee ay geeriyoodeen kahor intii aysan soo bixin natiijada baaritaankooda.

Bukaannada Isbitaal Martiini xalay ku geeriyooday dhammaan waxay ahaayeen bukaanno waqti dheer lagu hayay isbitaallada gaarka loo leeyahay, oo la keenay Isbitaal Martiini markii xaaladoodu ay adkaatay.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa mar kale maamulayaasha Isbitaallada gaarka loo leeyahay fartay in bukaannada lagu arko astaamaha COVID-19 ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyaan xarumaha caafimaad ee loogu tala galay la tacaalidda dadka uu haleelo Fayruska Karoona, si xaaladdoda caafimaad wax looga qabto.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ay noqdeen 480. Guud ahaan 26 ayaa loo diiwaan geliyay inay u geeriyoodeen cudurka, waxaana ka bogsoosay 14 ruux.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...