Monday, May 25, 2026
26.4 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRADA: Roobab Khasaare geystay oo ka da’ay Qardho & Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda..

Qardho (Halqaran.com) – Waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay magaalada Qardho roobab xoogan oo sababay daadad badan, kuwaasi oo ku soo rogmadaan Magaalada, islamarkaana Khasaare kala duwan geystay.

Inta badan dhismayaashii Magaalada gudaheeda ayaa waxaa soo gaaray bur bur xoogan oo ka dhashay daadadka Magaalada ku dhuftay.

Sidoo kale waxaa jira Khasaare dhimasho ah oo gaaraya illaa 5 ruux oo carruur u badan, kuwaasi oo ku haftay Biyaha ku soo rogmaday Magaalada gudaheeda sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan Magaalada Qardho.

Bakhaaradii ay ku jireen raashinka ayaa waxaa qaaday daadadka, waxaana jirtay xaaladda Magaalada inay tahay mid aad u adag marka loo fiiriyo Khasaaraha soo gaaray guud ahaan Magaalada.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa ku baxay Magaalada Qardho, halkaasi oo sida qorshaha uu yahay la doonaayo gurmad in la gaarsiiyo qoysaska dhibaatada ay soo gaartay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...