Thursday, June 18, 2026
25.4 C
Mogadishu

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir oo Xilka la wareegay +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiye Ku-xigeenka cusub ee Hawlaha Guud Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cumar Cali Cabdi ayaa xilka kala wareegay guddoomiye ku xigeenkii hore Aadan Shiikh Cali Fiidow.

Munaasabada xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Guddoomiye Ku xigeenka Hawlaha guud ayaa maalin ka hor waxaa magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, wuxuuna bedelay shaqsi in muddo ah Gobolka joogay.

Masuuliyiinta cusub ee dhawaan la magacaabay ayaa waxaa haray oo kaliya guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Maaliyadda Gobolka Banaadir inuu xilka la wareego.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...