Thursday, May 28, 2026
26.6 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay daadadka ku dhuftay Qardho, gurmadna ku baaqay

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago shacab iyo dowladba u gurmadka dadkeenna ay soo gaartay dhibaatada xooggan

Farmaajo ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada, iyada oo dalkeenna ay ka jirto halis caafimaad oo la tacaaliddeeda aynu isugu geynay maan iyo muruq.

“Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan reer guuraaga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan daadadka iyo fatahaadaha maadaama lagu gudo jiro xilli roobaadkii.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey isu gurmashada iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka, gaar ahaan dhallinyaradii xalay oo idil u taagnaa samata-bixinta qoysaska iyo dadka nugul. Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay Guddi Gurmad Qaran ah u saarto musiibada daadadkan ku soo rogmaday Qardho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle naxariistiisa Janno u weydiiyey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday daadadkan, caafimaad deg deg ahna waxa uu u rajeeyey intii ku waxyeelowday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...