Wednesday, January 14, 2026
26.9 C
Mogadishu

UPDATE: TikTok oo dagaal adag kula jirta dacaayadaha Ururka ISIS ku faafiso barteeda

Nairobi (Halqaran.com) – TikTok oo kamid ah baraha bulshada laguna soo bandhigo heesaha iyo qoob-kacayaarka,ayaa noqotay mid soo jiidatay malaayiin dad ah oo ku nool caalamka, waxaana aad loo dareemayey dhaqdhaqaaqeeda Sanadkan.

Haddaba, waxaa la sheegay in ay tahay goobtii ugu dambeysay ee Ururka argagixisada ah ee ISIS isku dayeen in ay ku baahiyaan dacaayadahooda.

TikTok waxay isku dayday in ay meesha ka saarto dhammaan daacayadahaas ka dhanka ah qawaaniinta shirkadda, balse weli waxa ay walwal ka qabtaa in ay jiri karaan akoono badan oo ay kooxdu ka isticmaasho barteeda.

Sida laga soo xigtay Wall Streeet Journal, ururka ayaa isku dayay in uu soo geliyo muqaallo uu ku doonaya in uu ku salfado dhalinyaro badan , sidoo kale wakaladda sirdoonka warbaahinta bulshada ayaa xaqiijisay in ay jiraan tobannaan akoon oo TikTok ah, kuwaas oo ay kooxdu ku baahiso warar aan wanaagsaneyn.

Wakaaladda ayaa sheegtay in akoonadaas TikTok-ga ah lasoo geliyo muqaallo muujinaya meydad , qalfoof dad ah .heesaha kooxda ISIS leedahay iyo dumar jihaadiistayaal ah.

Shirkadda ayaa xirtay tobannaan akoon oo ururkaas u adeegsanayey qaab aan sharci aheyn, islamarkaana aan waafaqasaneyn hannanka adeeggan loogu talagalay.

“ISIS iyo kuwa kale ee dambiilayaal ah yaa doonaya in barteena u adeegsadaan faafinta falalkooda gurracan” ayaa lagu qoray Wall Street Journal oo soo xigatay TikTok.

Inkasta oo akoonadaas ay Wall Street sheegtay aanay dhaafsiisneyn saaxiibadoodu 1,000. Haddana waxa ay leeyihiin qatartooda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...