Garoowe (Halqaran.com) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in la fulin doono xukunkii Maxkamadda Sare ee Maamulkaasi ay ku riday Saddex ruux oo ku eedeysnaa dilkii iyo Afduubkii loo gaystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo aheyd Gabar 12-sano jirtay oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.
Maxamed Xareed Faarax Xeer illaaliye Ku xigeenka Maamulka Puntland oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa sheegay in la doonaayo fulinta xukunka lagu riday raga eedeysanayaasha ah ee Caaisho kiiskeeda loo xukmiyay.
Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in dib u eegista la dalbaday aysan ahayn mid sharciga waafaqsan oo buuxisay sharuudihii loo baahnaa.
Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inuu dhaqan galay xukunkii dilka ahaa ee maxkamaduhu rideen islamarkaana lagu fulin doono dambiilayaasha, waxaana aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas Aadan uu farta ka saaray go’aankii maxkamada kasoo baxay.
Ilyaas Aadan oo ah aabaha dhalay gabadha la kufsaday, kadibna la dilay, ayaa wuxuu dalbaday in qisaas lagu fuliyo raggii ka dambeeyay dilka Gabdhiisa, isaga oo sheegay inuu ku qanacsan yahay fulinta xukunkaasi.
Ugu dambeyn, ehalada ragga Xabsiga ku jira ayaa doonaya in kiiska dib u eegis lagu sameeyo, islamarkaana waxa ay ka daba wareegayaan Maxkamadda si xukunka aanan loo fulin.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com