Monday, June 1, 2026
26.3 C
Mogadishu

UPDATE – Somaliya: Dadka u geeriyoonaya Covid-19 oo korortay

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan gelisay 191 kiis oo cusub oo ah dad laga helay cudurka dilaaga ah ee COVID-19.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in dadkaas ay kala joogaan gobolka Banaadir 144, Somaliland 31 iyo Jubbalanad 16.

Sidoo kale, wasaaradda caafimaadka waxay sheegtay in 20 qof ay cudurka COVID-19 ugu geeriyoodeen Soomaaliya 48-kii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee geerida ka dhigeysa 294 qof.

Dhanka kale, waxay wasaaraddu sheegtay in xannuunka ay ka bogsoodeen 31 qof, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 3,932.

Dowladda Soomaaliya ayaa tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee ay ilaa hadda diiwaangelisay ku sheegtay 8,041 qof oo uu soo ritay cudurkaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...